SUUQA KALA IIBSIGA CODADKA XILDHIBAANADA XAMAR. Qalinkii Abdullahi Jama.
Ma ahan wax sahlan in Dal lumiyey udub dhexaadkiisii qaranimo, una burburey si dhameystiran uu ku soo kabto waqti yar taasoo ay u sii dheertey masaafada kala fogaansho ee kala dhex gashey bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan guddaha iyo dibada, hase ahaatee maanta waxaa la taagan yahay marxaladdii Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ay higsanayeen tan iyo markii ay bilowdeen dhowr iyo tobankii shir dib u heshiisiineed ee lagu kala qabtey dalalka dariska iyo kuwa kale oo aanan daris aheyn.
Maxey aheyd Marxaladda la higsanayey.
Marxaladda la higsanayey waxa ay aheyd in dowladihii meel ku gaarka ahaa ee kala danbeeyey ee lagu soo dhisi jirey dalka dibadiisa ay dalka gaarsiiyaan amaan iyo kala danbeyn suuragalin karta in afti dadweyne oo isugu jirta, u codeynta Dartuur, Baarlamaan iyo Madaxweyne ku wada jira xeendaabka dowladnimo rasmi ah laga qaado shacabka Soomaaliyeed oo aanan ka baqeynin Al Shabaab iyo Mahiga midna.
Inkastoo wadada hada la saaran yahay ee loogu gudbaayo KMG aysan aheyn wadadii saxda ahaeyd hadana waxaa hubaal ah in maanta qeyb ahaan laga gudbey kumeelgaarkii waxa dhimanna ay tahay maalmo gura si loo xaqiijiyo in la gaarey halkii la higsanayey.
Waxaana tusaale noogu filan in markii ugu horeysey tan iyo qaran jabkii nagu habsadey 1991, lagu doortey gudaha dalka Baarlamaankii ugu horeeyey oo aanan kumeelgaar aheyn, iyadoo waliba ay jireen sharuudo ay soo buuxiyeen xildhibaanada halkii dowladihii dibadaha lagu soo dhisio jirey aysan laheyn wax sharuud ah.
Ma jirtaa wax saameyn ah oo ay leeyihiin Shaqsiyaad ama Beelo leh dano gaar ah?
Waxaa kaloo illaah mahadiis ah in aysan jiridoonin beel ama shaqsiyaad dan gaar ahaaneed owgeed u hor istaagi kara qofkii ku soo baxa xilalka loo tartamayo sida Guddoonkii Baarlamaanka ee uu ku soo baxey Guddoomiyaha ku guuuleystey ee Proff. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ku xigeenadiisa oo markii la doortey la adkeeyey amaankooda lana dejiyey qeyntii ay ka mudnaayeen Villa Soomaliya.
Waxyaabaha xusida Mudan waxaa ka mid ah in Guddoomiyihii ugu danbeeyey ee Dowladii KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u arkaayay in guusha jawaari ay noqotey wadadii uu ugu bixi lahaa Siyaasadii qaabka darneyd ee hadba uu meel u jiheyn jirey waqtiyadii kumeelka uu si xishmad leh ugu wareejiyey howgii uu ka dagenaa qasrigaasi Madaxtooyada, taangigii Amisom ee uu ku boonteyn jireyna lagala wareegey.
Suuqa Kala Iibsiga Codadka Xildhibaanada.
Doorashada Madaxweynaha oo ah waxa kaliya ee ka harsan dowladnimada rasmiga ah ayaa noqotey maalmahaan hadalheynta aanan marnaba maskaxda ka faaruqin, waxaana soo ifbaxaya Musharixiin badan oo ka tanaasulaya damacii ay ka lahaayeen kadib markii la hor dhigey sharuudo adag oo aysan ka gudbi karin dhamaantood marka laga reebo qaar, gaar ahaan saxiixa laga doonayo Musharax kasta in uu ka heysto labaatan xildhibaan oo raali ka ah Musharxnimadiisa ( balse waxaa jira warar sheegaya in hada la fududeeyey oo laga dhigey ilaa seddex xildhibaan)
Waxaana la aaminsan yahay in qodobkaan uu xariga ka jarey suuq cusub oo lagu kala iibsanaayo Saxiixa xidhibaanada, iyadoo lagu arkaayo wakiilada Musharixiinta oo horey iyo gadaal u dhex socda kal fadhiyada xildhibaanada.
Waxaa kaloo intaas u sii dheer lacagta diiwaan galinta 10,000 ka kun ee doolarka mareykanka ah oo qaar ka mid ah Musharixiinta aysanba heli karin isakaba daa in ay labaatan xildhibaan ka iibsadaan saxiixooda.
Saxiixa laga soo qaadanaayo xildhibaanada iyo lacagta isdiiwaan galinta ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay fursad u tahay gaar ka mid ah Musharixiinta halka badanka kuwa kalena ay ka saartey damacii ay qabeen.
Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa sheegey in qodabkaan uu fursad yahay masuuliyiinta dowlada xilka sii heyso ee Madaxweyne Shariif iyo Cabdiweli Gaas oo la la ogyahay in ay heystaan lacag waali ah oo ay ku kala furdaamin karaan iyo in fariin loo diro shaqsiyaadka sida ka fiirsi la,aanta ah isaga dhawaaqayo in ay yihiin musharixiin oo markii horeba ogaa in aysan ku soo baxeynin doorashada balse u arkaayey in ay tahay meel ay kala qabsan karaan dowlada rasmiga ah, dadkana ay isku barikaraan.
Musharixiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Abdiweli Gaas ,Ing Cabdullahi Axmed Cadow, Maxamed Farmaajo, C/rahmaan Baadiyow iyo Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si weyn ugu tartamaayo suuqa cusub ee lagu kala iibsanaayo codadka xildhimaanada, waxaana la leeyahay wax welwel ah kama qabaan in ay waayaan saxiixa xildhibaanada balse waxa ay rabaan in si joogta ah ay ula socdaan qiimaha suuqa kala iibsiga codadka si qiima ka badan midka ay joogaan aanan loogu sheegin xildhibaanada ay la heshiiyeen.
Sicir bararka Suuqa kala iibsiga Codadka.
Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in wakiilada Madaxweyne Shariif ay sicir barar xoogan galiyeen Suuqa kadib markii ay soo bandhigeen qiima ka badan qiima kastoo ay soo bandhigaan musharixiinta kale.
Shariif Sheeq Axmed ayaa la sheegayaa in uu ka cabsi qabo in si la mid ah qaabkii loo barabixiyey Shariif Xasan looga saaro Madaxtooyada oo in muda ah uu ka talinaayey , sidaas darteedna waxa uu wakiiladiisha u sheegey in ay bixiyaan qiima kasta oo ay ku gaari karaan guusha Doorashada.
Madaxweynaha oo ah hogaamiye ku wanaagsan la qabsiga siyaasadda isbedbdelka badan iyo sida loo soo jeedo dhinacayada uu u arko in ay ka caawin karaan guusha doorashada ayaa mar aanan sidaasi u fogeyn qarka u fuuley in uu lumiyo shacbiyada uu ku dhex leeyahay xildhibaanada cusub ee codkooda lagu kala baxaayo kadib markii looga baxey heshiisyo uu la galey Saxiixayaashii Roap-ka.
Hase ahaatee markii uu baraarugey ayaa waxa uu bilaawey in uu isugu waco raga lagu soo heshiiyey in la iska sooco si aysan u yeelan wax saameyn ah, waxaana uu u sheegey in ay u dhamaatey hadii aysan garab istaagin isagoo u balan qaadey in uu ka gudbinaayo caqabadihii ay hor dhigeen guddigii farsamadda ee kala shaandeeyey xildhibaanada, kadibna waxa ay ku balameen, waxkastey ku qaadataba aysan harsandoonin ilaa uu isaga xilka ku soo laabto.
Inkastoo uu ku guuleystey in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka hadana waxaa wali jira wax xoogaa isqabqabsi ah oo ku aadan dhinaca beelaha oo qaarkood badeley xubnahaas markii lagu soo celyey waxaana hada laga warsugayaa guddi ay baarlamaanka u saareen.
Amisom iyo Saameynteedda.
Waa wax iska muuqda in saameynta ugu weyn ee dhinaca Amaanka iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta ay leeyihiin Ciidamada Amisom iyagoo waliba dhowaan ku soo kordhiyey ciidamo booliis ah oo sugaya amanka goobaha doorashada iyo madaxda ku soo baxdey iyo kuwa ku soo bixidoono doorashada Madaxweynaha.
Waana wax aanan wanaagsaneyn marka loo eego jiritaanka qadiyad daleed in Ciidamo ajanabi ah ay leeyihiin masuuliyada ugu sareysa ee amaanka iyo sida loo soo celinaayo, balse waxba ma ahan marka aan dib u milicsano fursadihii nala siiyey ee maamuladii kumeelgaarka ay naga soo qasaariyeen waayo waxaa nalaga caawiyey sameyntii dowladahaasi misana lagu yiri waa in aad dalkiina ku soo celisaan amaan iyo kala danbeyn si loogu qabto dooraasho guud oo aad ku dhisataan dowlad rasmi ah.
Markii ay ku fashilmeen in ay dalka iyo dadka ugu faa,ideeyaan caawinaada iyo fursada la siiyey xaaladana ay ka sii dareyso ayaa waxaa go,aan lagu gaarey in si toos ah loo fara galiyo gudaha iyo dibada ilaa maanta faraha lala galey meelkasto amaan iyo siyaasad intaba.
Gunnaanud iyo Tallo soo Jeedin.
Waxaan qabaa in aysan jirin maanta maalin ka wanaagsan oo soo martey Soomaaliya marka dib loo eego kumeelgaaradii dibada laga keeni jirey, waayo waxaa la joogaa waqti dagaal oogihii uu wax ka raadinaayo Maxkamada sare ee dalka halkii dowladihii kumeelgaarka ahaa isaga lagala tashan jirey cida xildhibaan noqoneyso, wasiirna laga dhigi jirey si uu u qaado isbaaradada wadada u tiiley.
Waxaa la joogaa waqti sharuudo dhinac aqoon iyo waayaragnimo maamul iyo sidoo kale ka dhowrsanaan danbi dagaal ku saleysan la dul dhigaayo qofkii raba in uu wax ka noqdo dalka, inkastoo wali ay jiraan rag ku jira Baarlamaanka oo aqoon ahaan aanan u qalmin ama lug ku leh musuq maasuq hanti qaran, hadana waxaa u bilowdey baaskooda hadii hada wax xoogaa naf ah ay ku danbeyso afar sano kadib doorashada midaan xigta waa laga taqalusindoonaa.
Waayo geedka jirida weyn hal mar lama saari karo waa in si tartiib tartiib ah loo soo saaraa, iyagana geedkaas ay la mid yihiin waxa ay ku xidideysteen hantida dalka marka waa in aan u sabaarnaa dhowrka sano ee soo socota iyagaaba iska quusandoonee.
Sidaas darteed waxaan ku talinaa in aanan la fiirin waxyaabaha yar yar ee sixida u baahan waa in aan fiirinaa heerka aan mareyno oo geddigeenba nooga baahan in aan garab istaagno si aan ugu danbeyn u xaqiijino Soomaaliya oo nabad ah, laguna kala baxaayo sharciga, waxna lagu noqonaayo aqoonta iyo rabitaanka shacabka.
By Abdullahi Jama
Fogaanarag.comĀ
Editor in Cheif
Jama2015@gmail.com
fogaanaragnews@gmail.com
Short URL: http://www.fogaanarag.com/?p=4328
